Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka 8-aad ee Iskaashiga Kuuriya iyo Afrika (KOAFEC), oo ka dhacay magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada Koonfureed.
Shirka sanadkan ayaa hal-ku-dhig looga dhigay “Ka Faa’iidaysiga Garaadka Macmalka ah (AI) iyada oo loo adeegsanayo Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha si loo Dardargeliyo Isbeddelka Afrika”, waxaana ka qeyb galay Wasiirrada Maaliyadda ee dalal ka tirsan qaaradda Afrika.
Wasiir Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in hamiga Afrika uusan ku koobnaan oo keliya qaadashada tiknoolajiyadda Garaadka Macmalka ah, balse loo baahan yahay in la dhiso kaabeyaasha muhiimka ah ee taageeraya horumarka, sida tamarta, fiber-optic-ga, xogta iyo awood dhaqaale oo ku dhisan isla-xisaabtan, si loo kobciyo dhaqaalaha qaaradda.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya, oo ku taalla goob istiraatiiji ah, ay leedahay dhaqaale dijitaal ah oo sii kobcaya, isla markaana ay hadda haysato fursad ay ku noqon karto albaab dijitaal ah oo Afrika u furma.
Waxa uu intaa ku daray muhiimadda ay leedahay is-dhexgalka gobolka iyo Madasha Iskaashiga Geeska Afrika (HoAI), isagoo tilmaamay in iskaashiga noocan ah uu muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka dalalka Geeska Afrika.
Madasha Kuuriya iyo Afrika ee KOAFEC ayaa sanadkan u dabaaldegaysa 20-guuradii ka soo wareegtay aasaaskeeda 2006-dii. Madashu waxay noqotay goob muhiim u ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Kuuriyada Koonfureed iyo dalalka Afrika.
Shirka ayaa sidoo kale isu keenaya dowladaha, ganacsatada iyo hay’adaha horumarinta dhaqaalaha, si ay isaga dhaafsadaan fikrado, u dhisaan iskaashi iyo xiriirro dhaqaale, una raadiyaan fursado cusub oo wadaag ah.
Ka qeybgalka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli dalka uu xoogga saarayo horumarinta dhaqaalaha dijitaalka ah, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sidii Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd fursadaha cusub ee tiknoolajiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.










