HomeWarkaUgu Dambeyn Safiirkii Turkiga oo Soomaaliya Ka Baxay Xilli Lagu Eedeynayo Doorkiisa...

Ugu Dambeyn Safiirkii Turkiga oo Soomaaliya Ka Baxay Xilli Lagu Eedeynayo Doorkiisa Arrinta Taliye Shub

Safiirkii Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa ugu dambeyn soo gabagabeeyay howshiisii diblomaasiyadeed ee Muqdisho, kaddib markii uu maanta kulan sagootin ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Safiirka ayaa loo magacaabay inuu noqdo safiirka Turkiga u qaabilsan Waqooyiga Macedonia.

Bixitaanka safiirka ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay ka taagan tahay dood iyo eedeymo culus oo la xiriira weerarkii 3–4-dii Sebtembar ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, kaas oo lagu dhaawacay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan “Taliye Shub”.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in weerarka lagu fuliyay diyaarado ay leedahay dowladda Turkiga, isla markaana Taliye Shub uu ahaa bartilmaameedka weerarka. Eedeymahaas ayaa dhaliyay walaac iyo hadal-heyn siyaasadeed oo xooggan, iyadoo qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadda ay su’aal gelinayaan doorka Turkiga ee hawlgallada amni ee gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay dhacdada, waxayna sheegtay in xogaha hordhaca ah ee hay’adaha amniga ay tilmaamayaan in qaraxyo ka dhaceen gudaha guriga, iyadoo ballanqaadday baaritaan lagu ogaanayo sababta iyo cidda ka dambeysay.

Sidoo kale, illaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Turkiga oo caddeyneysa ama qiraysa inay ku lug lahayd weerarka Doolow, taasoo ka dhigeysa eedeymaha la xiriira doorkeeda arrin weli muran iyo baaritaan ku jirta.

Bixitaanka Alper Aktaş ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu gaaray heer sare, gaar ahaan dhinacyada amniga, milatariga, dhaqaalaha iyo tamarta, waxaana safiirka cusub ee Turkiga Soomaaliya loo magacaabay Ferhat Alkan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments