HomeWarkaRa’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Maamulka Akadeemiyadda Qaran ee Hoggaaminta

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Maamulka Akadeemiyadda Qaran ee Hoggaaminta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda Qaran ee Hoggaaminta (NLA), oo ka shaqeysa horumarinta iyo tayeynta hoggaaminta dalka.

Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha Akadeemiyadda, iyadoo maamulka iyo guddigu ay sheegeen in la dhammaystiray xarumihii ay ku shaqeyn lahayd, lana diyaariyey manhajka waxbarashada.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu sheegay in Akadeemiyadda ay heshiisyo is-afgarad la gaartay xarumo waxbarasho iyo jaamacado waaweyn oo caalami ah, kuwaas oo qeyb ka qaadanaya horumarinta aqoonta iyo tayada hoggaaminta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa mas’uuliyiinta Akadeemiyadda ku bogaadiyey shaqada ay qabteen, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay helitaanka xarumo waxbarasho oo horseeda isbeddel dhab ah oo ku yimaada bulshada Soomaaliyeed.

“Waa in aan helnaa xarumo waxbarasho oo wax-ka-beddel dhab ah ku sameeya nolosha dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo sare u qaada wacyiga qofka, beddela hab-fikirka qaldan, soona saara qof leh tayo hoggaamineed oo danta dalka iyo dadka ku qotonta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda Qaran ee Hoggaaminta kula dardaarmay inay xoogga saaraan sidii loo heli lahaa fikrado iyo barnaamijyo wax ka beddela caqabadaha bulshada ragaadiyey, gaar ahaan musuqmaasuqa iyo qabyaaladda, isla markaana lagu dhiso jiil leh aqoon, hoggaan wanaagsan iyo aragti ku dhisan danta guud.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments