HomeWarka𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧 𝐋𝐚 𝐒𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧 𝐋𝐚 𝐒𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa la xisaabtan iyo qiimeyn ku sameeyay wasiiradda Xukuumadda Dan Qaran.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay wasiiradda ayaa sheegay in la xisaabtankan looga gol leeyahay in lagu qiimeeyo shaqadii qabsoontay sanadkan iyada oo lala eegayo ballanqaadyadii wasiir kasta uu saxiixay, isaga oo xusey in haddii ay soo baxaan caqabado shaqooyinka qaar u qabsoomi waayeen la sixi doono hadafyada iyo bar-hiigsiyada ku qoran jadwalka heshiisyada wasiiradda lala galay.

La xisaabtanka iyo qiimeynta ayaa markii ugu horeysey loo adeegsaday habka dowladnimada danabaysan, iyada oo shaashad weyn laga shiday boqoleyda natiijada kasoo baxday qiimeynta wasaarad kasta, iyo waliba sida wasaaradaha kaalmaha u kala galeen.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Wasiiradda , Agaasimeyaasha guud iyo hawlwadeenada farsamo ee wasaaradaha kula dardaarmay in ay sii dardargaliyaan hawsha qaranka, kana soo dhalaalaan hawshii loo igmaday, isaga oo xusuusiyay in shacab weynaha xukuumadda ka sugayaan wax qabad badan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Qorshe ayaynu samaysanay, idinka ayaa dajiyay, kadibna waan isla saxiixanay, qorshihii ayaan isla qiimeynaynaa, waxaan eegeynaa caqabadaha jira, fursadaha iyo waxyaabaha aan sixi karno, waxaad ogtiiin in aan markasta sii horimarinayno qiimeynta aan samayno, waxaan hadda maraynaa xillihii hab

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments