Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, waxaana kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga muddada dheer ee ka dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo horumarinta danaha ay labada dal wadaagaan.
Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo la ballaarinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee danaha wadajirka ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo iskaashiga labada dowladood.







