Muqdisho: Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Maryan Qasim, ayaa maanta xarunta Guddiga ee magaalada Muqdisho ku qaabishay Wakiilka cusub ee Joogtada ah ee Hay’adda UNDP Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo UNDP Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta hay’adda, kobcinta awoodda shaqo, isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta hannaannada la-socodka xaaladda xuquuqul insaanka, diyaarinta warbixinnada iyo maaraynta cabashooyinka shacabka, kuwaas oo qeyb muhiim ah ka ah gudashada waajibaadka Guddiga.
Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, Christophoros Politis, ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay hay’addu uga go’an tahay taageeridda Guddiga, si uu u noqdo hay’ad xooggan, madax-bannaan oo awood u leh inay si wax-ku-ool ah ugu adeegto shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah xubnaha Guddiga, Agaasimaha Guud iyo la-taliyayaal, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la sii ambaqaado iskaashi muddo-dheer ah, kaas oo lagu xoojinayo waxqabadka Guddiga iyo awoodda uu u leeyahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli muhiim ah oo Soomaaliya ay ku jirto dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha madaxa-bannaan iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.



