Nairobi: Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaaray dalka Kenya, kaddib markii uu soo gabagabeeyay socdaallo uu ku marayay deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Bari.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Deni ayaa Nairobi u tagay kulamo uu la yeelanayo xubno ka tirsan beesha caalamka, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa wada-hadallada la xiriira doorashooyinka dalka.
Kulamada ayaa sidoo kale la filayaa in diiradda lagu saaro xaaladda amni ee gobolka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, iyadoo Puntland ay ka mid tahay dhinacyada sida weyn uga aragti duwan dowladda federaalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.
Wararka laga helayo Nairobi ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Deni uu halkaasi kulan gaar ah kula yeelan doono Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Puntland iyo Jubaland ay ka wada hadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo tallaabooyinka ay qaadi karaan, iyagoo ka arrinsanaya siyaasadaha dowladda federaalka iyo waxa ay labada maamul u arkaan faragelin kaga imaaneysa dowladda dhexe.
Labada dhinac ayaa sidoo kale la sheegay inay qorsheynayaan shirarro siyaasadeed oo looga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashada iyo jihada siyaasadeed ee dalka.
Dhanka kale, magaalada Nairobi waxaa ku sugan qaar ka mid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaas oo la filayo inay kulamo la yeeshaan madaxda Puntland iyo Jubaland. Hase yeeshee, ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin ajendaha iyo faahfaahinta kulamadaasi.
Safarka Madaxweyne Deni ee Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka iyo kala aragti-duwanaanshaha siyaasadeed ee ku saabsan doorashada Soomaaliya, iyadoo dadaallo kala duwan lagu doonayo in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya la isugu keeno miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka siyaasadeed.



