Muqdisho: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee ka howlgala Qaaradda Afrika, Sareeye Gaas Claude K. Tudor Jr.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni iyo wada-shaqeynta dhinaca howlgallada, gaar ahaan taageerada Mareykanka ee lagu horumarinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay tayeynta ciidamada, tababarrada, kobcinta awoodda hawlgal iyo diyaar-garowga ciidanka, iyadoo xoogga la saaray dhismaha ciidan qaran oo leh awood uu si hufan ugu gudan karo waajibaadkiisa amni.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka iyo sidii ay si madax-bannaan u qaadi lahaayeen mas’uuliyadda amniga dalka.







