HomeWarkaGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Muqdisho: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, is-aaminaad iyo danaha wadajirka ah ee labada dal iyo labada shacab.

Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta wada-shaqeynta hay’adaha sharci-dejinta iyo ballaarinta iskaashiga ka dhexeeya labada dowladood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda iyo shacabka Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ay u muujiyeen Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed marxaladihii kala duwanaa ee dalka uu soo maray.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka Shiinaha ayaa si wadajir ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta saaxiibtinimada, xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in la sii horumariyo xiriirka labada dal.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments