HomeWarkaJSP oo magacaabay musharraxa Hoggaamiye Ku-xigeenka Ururka ee Hirshabeelle

JSP oo magacaabay musharraxa Hoggaamiye Ku-xigeenka Ururka ee Hirshabeelle

MUQDISHO — Xarunta Dhexe ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta lagu qabtay kulan ay yeesheen Guddiga Fulinta ee ururka, kaas oo uu shir-guddoomiyay Xoghayaha Guud ee JSP, Xuseen Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hawlaha la xiriira doorashooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo diyaar-garowga ururka ee doorashada.

Guddiga Fulinta ayaa, sida lagu sheegay war kasoo baxay ururka, si aqlabiyad leh u go’aamiyay in Cabdifataax Xasan Afrax uu noqdo musharraxa Hoggaamiye Ku-xigeenka Ururka ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, muddo xileedka 2026 illaa 2031.

Go’aanka kadib, waxaa xarunta dhexe ee JSP lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweeyay musharraxa, taas oo ay ka qeybgaleen xubno iyo taageerayaal ka tirsan ururka.

Munaasabadda ayaa lagu jeediyay dardaaran ku aaddan masuuliyadda loo igmaday musharraxa iyo muhiimadda ay leedahay u adeegidda shacabka iyo ka shaqeynta arrimaha bulshada.

Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay howlaha uu ku wajahayo doorashooyinka ka dhacaya Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments