Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay xirtay Safaaradda Eritrea ee magaalada Addis Ababa, iyadoo Eritrea ku eedeysay falal ay ku tilmaantay kuwo colaadeed iyo faragelin khatar ku ah amniga qaranka Itoobiya.
Itoobiya ayaa sidoo kale 10 diblomaasi oo Eritrean ah uu sheegtay in aan dalkeeda laga Rabin “persona non grata”, iyadoo ku amartay inay dalka uga baxaan muddo 48 saacadood ah.
Dowladda Itoobiya ayaa Eritrea ugu baaqday inay joojiso tallaabooyinka ay ku tilmaantay kuwo ka hor imanaya mabaadi’da iyo xeerarka xiriirka diblomaasiyadeed.
Dhanka kale, Addis Ababa waxay sheegtay inay weli ka go’an tahay xasilloonida, nabadda iyo amniga Geeska Afrika, iyadoo ku baaqday in khilaafaadka labada dal lagu xalliyo hannaan diblomaasiyadeed.




