HomeWarkaQaraxyo ka Dhacay Addis Ababa Xilli Dagaalku Sii Xoogeysanayo.

Qaraxyo ka Dhacay Addis Ababa Xilli Dagaalku Sii Xoogeysanayo.

Qaraxyo waaweyn ayaa ruxay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, Qaraxyada ayaa ka dhacay agagaarka xarunta dhexe ee ciidamada milatariga ee dhanka galbeed iyo qeybo ka mid ah koonfurta magaalada. Weeraradan ayaa dhacay saacado ka dib markii dowladda federaalku ay mamnuucday dhammaan duulimaadyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ee dul maraya caasimadda.

Ilo wareed ka tirsan isbahaysiga mucaaradka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay inay fuliyeen weeraro dhawr ah oo loo adeegsaday drones, kuwaas oo si toos ah u bartilmaameadsaday xarunta dhexe ee milatariga iyo goobo kale oo muhiim ah.

isbeddelladan cusub ayaa ku soo beegmay toddobaad ka dib markii uu dagaal culus ka dhacay waqooyiga dalka Ethopia. Dagaalkan ayaa burburiyay heshiiskii nabadeed ee Pretoria kaas oo afar sano jir saday.

Heshiis kaas oo u dhaxeeyay dowladda federaalka Ethopia iyo kooxda TPL ayaa ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee labada sano socday ee halka milyan oo qof ku dhaw ay ku dhinteen.

Si xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed xilka looga tuuro, kooxda TPLF waxay isbahaysi cusub la sameysatay lix koox oo kale. Toddobada kooxood ee isbahaysigan ka tirsan ayaa kala ah;

  1. Tigray People’s Liberation Front (TPLF)
  2. Oromo Liberation Army (OLA)
  3. Afar Revolutionary Democratic Unity Front (ARDUF)
  4. Agaw Democratic Movement (ADM)
  5. Benishangul People’s Liberation Movement (BPLM)
  6. Global Somali People’s Democratic Party (GSPDP)
  7. Sidama National Liberation Front (SNLF)

Dagaalka oo u muuqda mid degdeg ku sii faafaayo ayaa ilaa hadda waxa uu ka socdaa laba jiho oo kala ah;

  1. Jihada Tigray: Ciidamada federaalka ayaa gudaha u galay koonfurta Tigray, iyagoo u sii dhowaanaya magaalada Mekelle. Maalintii Arbacada, maamulka Tigray Peace Forces ee dowladda taageersan ayaa ku dhawaaqay inay ciidanka dowladda qabsadeen magaalada Korem oo 100 km dhanka koonfureed ka xigta Mekelle.
  2. Jihada Canfarta: Isbahaysiga mucaaradka ayaa qabsaday dhowr magaalo bilowgii colaaddan, taas oo keentay dhibaato binu-aadanimo iyo in toban kun oo dad ahi ka qaxaan guryahooda.

Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay waddamada Eritrea, Sudan, iyo Egypt inay taageerayaan kooxaha mucaaradka, dhammaan saddexdaas dalna wey beeniyeen eedeymahaas. Dagaalkii hore, Eritrea waxay taageertay ciidamada Abiy, laakiin xiriirka labada dal ayaa xumaaday ka dib markii Asmara ay u aragtay hadalladii joogtada ahaa ee Abiy ee ku saabsanaa in Itoobiya ay xaq u leedahay inay hesho marin badeed inay tahay halis toos ah.

Isbahaysigan cusub ee garabyada badan ma wuxuu Itoobiya iyo Geeska Afrika u horseedi  doonaa dagaal gobolka oo dhan saameeya, mise dadaallada diblomaasiyadeed ayaa maareyn kara inta aysan caasimadu noqon garoonka ugu weyn ee dagaalka. Riix lifaaqaan oo ka dhageysa fallanqeyn la xeriirta natiijada dagaalka. https://x.com/i/spaces/1MJgNbvareAGL?s=20

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments