HomeWarkaXILDHIBAAN ILHAAN CUMAR OO KA HADASHAY COLAADA SII XOOGEYSANEYSA EE ITOOBIYA

XILDHIBAAN ILHAAN CUMAR OO KA HADASHAY COLAADA SII XOOGEYSANEYSA EE ITOOBIYA

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa walaac xooggan ka muujisay rabshadaha sii kordhaya ee ka socda Itoobiya, gaar ahaan xiisadaha ka taagan waqooyiga dalka.

Qoraal ay ku baahisay barteeda X ayay ku sheegtay in ay si weyn uga walaacsan tahay xaaladda amni ee Itoobiya, iyadoo si gaar ah u xustay duqeyn ay sheegtay in ciidamada Itoobiya toddobaadkii hore ku qaadeen kolonyo gargaar oo ku sii jeeday gobolka Tigray.

“Waxaan si weyn uga walaacsannahay rabshadaha sii kordhaya ee Itoobiya, oo ay ku jirto duqeyntii ciidamada Itoobiya toddobaadkii hore ay ku qaadeen kolonyo gargaar u waday gobolka Tigray,” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Waxay sidoo kale xustay Heshiiskii Pretoria ee 2022, kaas oo lagu soo afjaray dagaalkii labada sano ka socday waqooyiga Itoobiya, iyadoo sheegtay in heshiisku dhammaan dhinacyada ku waajibiyay inay joojiyaan colaadda, ilaaliyaan dadka rayidka ah, ayna fududeeyaan gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo dadka ay saameeyeen colaadaha.

Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale sheegtay in heshiiska uu dhinacyada ku waajibiyay in la sameeyo hannaan dhammaystiran oo caddaalad ku-meelgaar ah, si loola xisaabtamo dadka mas’uulka ka ah xadgudubyada iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha.

“Nasiib darro, heshiiskan si buuxda looma dhowrin, shuruudihii lagu heshiiyeyna lama fulin,” ayay tiri.

Xildhibaanaddu waxay sheegtay in colaadda sii xoogeysanaysa aysan khatar ku ahayn oo keliya Itoobiya, balse ay saameyn ku yeelan karto guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Waxay xustay in gobolka uu weli wajahayo saamaynta dagaalkii hore ee waqooyiga Itoobiya iyo colaadda ka socota dalka Suudaan, iyadoo carrabka ku adkaysay in dadka rayidka ah ay yihiin kuwa ugu badan ee ka dhaxlaya dhibaatooyinka ka dhasha colaadaha.

Ilhaan Cumar ayaa dhammaan dhinacyada Itoobiya ugu baaqday inay si degdeg ah ugu laabtaan wada-hadallada nabadda, isla markaana ay gutaan waajibaadka ka saaran heshiiskii Pretoria.

Waxay sidoo kale ugu baaqday dalalka deriska la ah Itoobiya iyo beesha caalamka inay ka shaqeeyaan dejinta xiisadaha iyo fududeynta wadahadallo horseeda nabad waarta.

Dhanka kale, waxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ugu baaqday inay la shaqeyso dhammaan dhinacyada ay khusayso xiisadda, si loo soo afjaro rabshadaha iyo in lala xisaabtamo dadka mas’uulka ka ah xadgudubyada.

“Shacabka Itoobiya waxay mudan yihiin nabad iyo caddaalad,” ayay hadalkeeda ku soo gabagabeysay Ilhaan Cumar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments