HomeWarkaShir looga hadlaayay maareynta deymaha dalalka Afrika oo Soomaaliya ka qeybgashay

Shir looga hadlaayay maareynta deymaha dalalka Afrika oo Soomaaliya ka qeybgashay

Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa Magaalada Kigali ee dalka Rwanda uga qaybgalay kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan adkeynta iyo horumarinta kartida maareynta deymaha dalalka nugul ee Afrika.

Kulankaan oo ay soo soo qabanqaabiyeen Mac-hadka Horumarinta Afrika ee Bangiga Horumarinta Afrika waxaa kaoo ka qaybgalaya kulanka waxaa sidoo ka mid ah Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi.

Kulanka oo soo bil owday 28ka September waxaa lagu wadaa in maanta oo ay bishu tahay 2da October la soo gabagabeeyo,iyadoo mudadii uu socday diiradda lagu saarayaa xoojinta awoodda hay’adaha dowladda ee dhinacyada daahfurnaanta deymaha, isla-xisaabtanka iyo habsami-u-maareynta maaliyadda guud.

Kulanka waxaa ka qaybgalay in ka badan 20 waddan oo Afrikaan ah iyo ururro caalami ah, kuwaas oo wadaagay aqoonta, waayo-aragnimada iyo hababka lagu xoojin karo maareynta deymaha dowladaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments