HomeWarkaSoomaaliya iyo aljeeriya oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirkooda laba geesoodka ah.

Soomaaliya iyo aljeeriya oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirkooda laba geesoodka ah.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Xasan Aadan Xooshoow,ahna la taliyaha dhaqaalaha ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiya Golaha Qaranka Dhaqaalaha ee Dalka Aljeeriya Prof. Mohamed Boukhari .

Kulanka dhinacyadaasi oo ka dhacay caasimadda Aljeris ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dalka iyo sii ambaqaadidda barnaamjyada kutalagal ee u qorsheysan Soomaalia iyo Aljeeriya.

Mudadii uu socday kulankaasi waxaa la kala saxiixday heshiis iskaashi oo ay ku jiraan isdhaafsiga khibradaha,cilmi baarisyada iyo abuuridda fursado shaqo iyo kuwo maalgashi.

Kulankaasi u qabsoomay guddoomiyaasha golaha dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Aljeriya waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya e Dalka Aljeeriya Yuusuf Axmed Xasan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments