Dhuusamareeb – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga dhawaaqay natiijada doorashadii ku-celiska ahayd ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Dowlad-goboleedka Galmudug.
Doorashadan ayaa 30-kii Sebtembar ka dhacday 11 degmo oo ka tirsan Galmudug, waxaana ka qaybgalay cod-bixiyeyaal ka badan 267,000 oo kala dooranayay 12 urur siyaasadeed.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa intii uu ku dhawaaqayay natiijada faahfaahin ka bixiyay tirada codadka la dhiibtay, codadka ansaxay iyo kuraasta ay kala heleen ururradii siyaasadeed ee tartamay.



