Muqdisho – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Ex-Dable Boolis Nuur Ibraahim Sahal, kaddib markii lagu helay dilka Ex-Dable Boolis Liibaan Nuux Sooc, oo ay hore uga wada tirsanaayeen laanta Ilaalada Canshuuraha ee Ciidanka Booliska.
Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Darajada Koowaad, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, eedeysanaha ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dil kas ah oo uu u geystay marxuumka.
Falka ayaa ka dhacay degmada Xamar-Jajab 12-kii Luulyo 2026, kaddib markii askarta ay wada ciyaarayeen turub.
Sida lagu sheegay faahfaahinta kiiska, Nuur Ibraahim Sahal ayaa ka carooday in loo diido inuu ka qeyb galo ciyaarta turubka, kaddib markii askartii ciyaareysay ay u arkeen inuusan aqoon ku filan u lahayn ciyaarta.
Wararka ku saabsan kiiska ayaa sheegaya in eedeysanuhu uu markaas qaatay qori nooca AK-47 ah, isagoo doonayay inuu xoog ku ciyaaro, hase yeeshee marxuum Liibaan Nuux Sooc uu ku adkeystay go’aankii lagu diiday inuu ciyaarta ku biiro.
Sida lagu sheegay dacwadda, muranka ayaa sii xoogeysatay, waxaana eedeysanaha lagu eedeeyay inuu aflagaado iyo xabado ku furay marxuumka, isagoo adeegsanayay qori AK-47 ah.
Rasaasta ayaa sababtay dhimashada Liibaan Nuux Sooc, iyadoo dhacdadu markii dambe noqotay kiis ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qaaddo.
Kaddib baaritaan dheer oo lagu sameeyay dhacdada, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday in kiiska loo gudbiyo maxkamadda.
Codsigaas ayaa la oggolaaday 1-dii Oktoobar 2026, waxaana maxkamaddu dhageysatay dhinacyada dacwadda, iyadoo siisay waqti ay ku soo bandhigaan doodahooda iyo qodobada la xiriira kiiska.
Ugu dambeyn, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta Ex-Dable Boolis Nuur Ibraahim Sahal ku xukuntay dil toogasho ah, kaas oo ah qisaasta marxuum Ex-Dable Boolis Liibaan Nuux Sooc.
Xukunka ayaa kusoo dhammaanaya dacwad ka dhalatay muran la sheegay inuu ka bilowday ciyaar turub, balse markii dambe isu beddelay dhacdo sababtay dhimashada mid ka mid ah askartii goobta ku wada sugneyd.



