HomeWarkaBadmaaxiintii Masaarida ahaa ee laga soo badbaadiyey MV Eureka oo Muqdisho soo...

Badmaaxiintii Masaarida ahaa ee laga soo badbaadiyey MV Eureka oo Muqdisho soo gaaray

Badmaaxiintii u dhashay dalka Masar ee ka tirsanaa shaqaalihii markabka MT EUREKA, oo muddo bilo ah ay haysteen kooxo burcad-badeed ah, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay uga sii diyaar garoobayaan dib ugu laabashadooda dalka Masar.

Badmaaxiintan ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Safiirka Masar ee Soomaaliya, kaas oo la socda xaaladdooda, isla markaana gacan ka geysanaya sidii loogu diyaarin lahaa dib ugu laabashadooda magaalada Qaahira.

Markabka EUREKA ayaa 2-dii May 2026 lagu afduubtay meel u dhow xeebaha Yemen, waxaana markii dambe loo soo weeciyay dhanka biyaha Soomaaliya. Markabka ayaa waxaa saarnaa 12 shaqaale ah, kuwaas oo ay ku jireen 8 badmaax oo Masri ah iyo 4 Hindi ah.

Howlgal lagu soo afjarayay afduubka ayaa ugu dambeyn sababay in markabka iyo shaqaalihiisa la sii daayo 29-kii September. Xogta la heli karo waxay xaqiijinaysaa in dhammaan shaqaalihii EUREKA ay badqabaan, halka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masarna ay xaqiijisay in sideeddii badmaax ee Masaarida ahaa la sii daayay, safaaradda Masarna ay qaabishay oo ay diyaarinayso daryeelkooda iyo dib ugu celintooda dalka.

Soo gaarista badmaaxiintan Muqdisho ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dib u soo noqdeen walaacyada la xiriira burcad-badeedda Soomaaliya, iyadoo sanadkan 2026 ay gobolka ka dhaceen dhowr dhacdo oo la xiriira afduubka maraakiibta iyo shaqaalahooda.

Badbaadinta iyo sii deynta shaqaalaha markabka EUREKA ayaa sidoo kale ah tallaabo muhiim u ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga maraakiibta iyo badmaaxiinta ku safra Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments