HomeWarkaDEGDEG: NATIIJADA DOORASHADII ISKU-SIDKANEYD EE HIRSHABEELLE OO LA SHAACIYAY. VIDEO

DEGDEG: NATIIJADA DOORASHADII ISKU-SIDKANEYD EE HIRSHABEELLE OO LA SHAACIYAY. VIDEO

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay natiijada doorashadii isku-sidkaneed ee ka dhacday Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Doorashadan oo la qabtay 30-kii Sebtembar 2026 ayaa waxaa si isku mar ah loogu tartamay Golaha Wakiillada Hirshabeelle iyo Goleyaasha Deegaanka, iyadoo cod-bixintu ka dhacday 103 goobood oo ku yaalla 10 degmo.

Sida xogta guddiga doorashooyinka lagu sheegay, doorashada Hirshabeelle waxaa ka qeyb galay 152,763 cod-bixiye, kuwaas oo codkooda u dhiibtay 14 urur siyaasadeed oo ku tartamay kuraasta labada gole.

Natiijada la shaaciyay ayaa soo afjareysa marxaladdii tirinta iyo isku-geynta codadka doorashada, iyadoo guddigu uu hadda soo bandhigay qaybta rasmiga ah ee natiijooyinka doorashada.

Doorashadan ayaa qeyb ka ah geeddi-socodka hannaanka qof iyo cod, kaas oo dalka looga hirgelinayo doorashooyin toos ah oo shacabka ay ku dooranayaan wakiilladooda.

Waxaa sidoo kale la filayaa in natiijada doorashada Hirshabeelle ay horseeddo marxaladda xigta ee dhismaha goleyaasha cusub, iyadoo ururrada siyaasadeed ee ku guuleystay kuraasta loo diyaarinayo inay gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

FAAHFAAHINTA HALKAAN HOOSE KA DAAWO

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments