Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika (EALA), Mudane Joseph Ntakirutimana.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaannada Soomaaliya iyo Bulshada Bariga Afrika, iyo sidii loo dardargelin lahaa isdhexgalka bulshada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in baarlamaannadu yeeshaan wada-shaqeyn iyo is-dhaafsi khibrado, si loo taageero nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara ee gobolka Bariga Afrika.
Guddoomiyeyaasha ayaa carrabka ku adkeeyay in xoojinta iskaashiga gobolka ay fursado dheeraad ah u abuuri karto shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, isu-socodka iyo iskaashiga gobolka.
Soomaaliya ayaa ka mid noqotay Bulshada Bariga Afrika, iyadoo xubinnimadeeda ay sare u qaadday fursadaha dalka uga qeybqaadan karo iskaashiga dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee dalalka ku mideysan ururka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulanka waxaa ku wehliyey Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Bulshada Bariga Afrika, Danjire Ilyees Cali Xasan.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo hay’adaha Bulshada Bariga Afrika, gaar ahaan dhinaca iskaashiga baarlamaannada iyo horumarinta xiriirrada gobolka.



