Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in Mareykanka uu dhawaan soo mariyay dhexdhexaadiyayaal soo jeedinno la xiriira wada-hadallo, inkastoo uu sheegay in Washington ay warbaahinta ka sheegto mowqifyo ka duwan kuwa ay dhinaca diblomaasiyadda ku gudbiso.
Qalibaf oo maanta khudbad ka jeediyay fadhiga Baarlamaanka Iran ayaa sheegay in Mareykanku uu soo mariyay dhexdhexaadiyayaal, balse uusan faahfaahin ka bixin nuxurka ama qodobada ku jira soo jeedinnadaasi.
“Maraykanku, inkastoo uu warbaahinta ka sheegayo wax ka duwan, haddana dhowaan ayuu soo jeedinno soo mariyey dhex-dhexaadiyayaal,” ayuu yiri Qalibaf.
Qalibaf ayaa dhinaca Mareykanka u sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay aqbasho waxa uu ku tilmaamay dalabyo hal dhinac ah ama waqti lumin.
Wuxuu sheegay in Marinka Hormuz aan dib loo furi doonin ilaa la fuliyo toddobada shuruudood ee Iran ay ku salaysay is-afgaradkii Islamabad.
“Xilligii waqtiga lagu lumin jiray iyo dalabyo hal dhinac ah lagu soo rogi jiray waa dhammaaday,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in Iran ay mowqifkeeda ku salaynayso shuruudo ay u aragto inay muhiim u yihiin ilaalinta danaha iyo xuquuqda shacabka Iran.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, oo sidoo kale ahaa madaxa wafdigii Iran ee wada-hadalladii Islamabad, ayaa sheegay in Tehran ay isku mar adeegsanayso awoodda milatari iyo waddooyinka diblomaasiyadda.
“Ma nihin kuwa aan faraxsanayn mana cabsanayno; waan dagaallamaynaa, waana wada-xaajoonaynaa,” ayuu yiri Qalibaf.
Wuxuu sheegay in Iran ay si buuxda uga qaybqaadanayso waxa uu ugu yeeray “goobta dagaalka”, iyadoo adeegsanaysa awooddeeda, isla markaana diyaarinaysa tallaabooyin ay kaga jawaabto xaaladaha cusub ee soo kordha.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in Tehran ay adeegsanayso diblomaasiyadda si ay u xoojiso awooddeeda milatari iyo inay u xaqiijiso xuquuqda shacabka Iran.
Qalibaf ayaa sidoo kale dhaliilay waxa uu ku tilmaamay mowqifyada is-khilaafsan ee ay warbaahinta ka jeediyaan mas’uuliyiinta Mareykanka.
Wuxuu sheegay in siyaasadda guud iyo amniga qaranka Iran aan lagu salayn qoraallada baraha bulshada ama wareysiyada maalinlaha ah ee mas’uuliyiinta Mareykanka.
“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ma aha dal siyaasaddiisa guud iyo amniga qarankiisa ku saleeya qoraallada baraha bulshada ama wareysiyada maalinlaha ah ee mas’uuliyiinta Maraykanka,” ayuu yiri.
Qalibaf ayaa sheegay in go’aannada Tehran lagu saleeyo ficillada iyo tallaabooyinka dhabta ah ee dhinaca kale, halkii lagu salayn lahaa hadallada iyo waxa uu ku tilmaamay farriimaha is-khilaafsan ee warbaahinta lagu faafiyo.
Hadallada Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii socdaan xiisadaha u dhexeeya Tehran iyo Washington, iyadoo dhinacyadu ay isku mar adeegsanayaan cadaadis milatari iyo dadaallo diblomaasiyadeed.



