HomeWarkaGuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo Arusha kula kulmay wafdiga Baarlamaanka Türkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo Arusha kula kulmay wafdiga Baarlamaanka Türkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan kula yeeshay wafdi ka socday Golaha Weyn ee Qaranka Türkiye (Grand National Assembly of Türkiye), oo ka qeybgalayay Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga baarlamaanada Soomaaliya iyo Türkiye, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdiga Baarlamaanka Türkiye ayaa sidoo kale isla eegay muhiimadda is-dhaafsiga khibradaha, aqoonta iyo waayo-aragnimada baarlamaanada, si loo xoojiyo awoodda hay’adaha sharci-dejinta ee labada dal.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda diblomaasiyadda baarlamaanka, iyo sidii loo sii xoojin lahaa isu-dhoweynta aragtiyada iyo mowqifyada Soomaaliya iyo Türkiye ee ku aaddan danaha ay wadaagaan iyo arrimaha mudnaanta u leh labada dal.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada iyo wada-xaajoodyada ka socda Shirweynaha 153-aad ee IPU, oo ay ka qeybgalayaan madaxda iyo wakiillada baarlamaannada dalal kala duwan oo caalamka ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments