Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan hirgelinta qodobbada 81(f) iyo 117(3) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo khuseeya kala saaridda xilalka xildhibaannimada iyo xubinnimada Golaha Wasiirrada.
Guddoomiyaha Guddiga, Avv. Burhaan Aadan Cumar, ayaa sheegay in muddadii lixda bilood ahayd ee Dastuurku u asteeyay in tallaabooyinka maamulka lagu waafajiyo Dastuurka cusub ay ku eg tahay 14-ka Oktoobar 2026.
Sida uu Guddigu sheegay, muddada lixda bilood ah waxay ka bilaabatay 14-ka Abriil 2026, oo ah maalintii uu Dastuurku dhaqan galay.
Guddigu wuxuu xusay in laga bilaabo 14-ka Oktoobar 2026 ay dhaqan gelayaan qodobbada dhigaya kala saaridda xilalka xildhibaannimada iyo Wasiirnimada.
Sida ku cad fasiraadda Guddiga, wasiir ka tirsan Golaha Wasiirrada oo sidoo kale ah xildhibaan uu luminayo xubinnimada Golaha Wasiirrada, halka xildhibaan aqbala xil kale oo dowladeed uu luminayo xubinnimadiisa Golaha Shacabka.
GMDHD ayaa carrabka ku adkeeyay in hirgelinta qodobbadan ay tahay waajib dastuuri ah, iyadoo la raacayo Qodobka 4-aad ee Dastuurka JFS, kaas oo qeexaya in Dastuurku yahay xeerka ugu sarreeya dalka, isla markaana hay’adaha dowladda looga baahan yahay inay u hoggaansamaan oo ku dhaqmaan.
Warsaxaafadeedka Guddiga ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay soo dhowdahay 14-ka Oktoobar 2026, oo ah taariikhda uu Guddigu sheegay in ay si rasmi ah u dhaqan gelayaan qodobbada cusub ee kala saaraya xilalka xildhibaannimada iyo xubinnimada Golaha Wasiirrada.




