HomeWarkaCiidamo isku dhaf ah oo howlgal qorsheysan ka sameeyay duleedka Xarardheere

Ciidamo isku dhaf ah oo howlgal qorsheysan ka sameeyay duleedka Xarardheere

Ciidamo isku dhaf ah oo isugu jiray kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada deegaanka iyo maamulka degmada Xarardheere ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay tuulooyinka Jiracle iyo Hareeri Jimcaad, oo hoostaga deegaanka Caad ee degmada Xarardheere.

Howlgalka ayaa lagu xaqiijiyey ammaanka tuulooyinkaasi, iyadoo ciidamada ay baaritaanno ka sameeyeen goobo la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxaha hubeysan ee dowladda kasoo horjeeda.

Ciidamada ayaa sidoo kale xaqiijiyey fariisimo iyo goobo muhiim ah oo ku yaalla deegaanada howlgalka laga sameeyey, iyadoo ujeeddadu ahayd xoojinta amniga iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada amni ee ka socda duleedka degmada Xarardheere, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga deegaannada iyo in laga saaro kooxaha hubeysan goobaha ay weli ku sugan yihiin.

Maamulka degmada Xarardheere iyo ciidamada deegaanka ayaa sheegay in howlgalada noocan ah ay sii socon doonaan, iyadoo xoogga la saarayo sugidda amniga shacabka iyo xasilinta deegaanada hoostaga degmada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments