Dowladda Eritrea ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay inuu tallaabo ka qaado xiisadda sii xoogeysanaysa ee kala dhexeysa Itoobiya, iyadoo ku eedeysay dowladda Addis Ababa inay waddo qorshe dagaal oo ka dhan ah dalkaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Osman Saleh, ayaa warqad uu Sabtidii u diray Golaha Ammaanka ku dalbaday in Qaramada Midoobay si adag u cambaareyso waxa uu ku tilmaamay ku dhawaaqis dagaal oo uga timid Itoobiya, isla markaana ay qaaddo tallaabooyin looga hortagayo in xaaladdu isu beddesho dagaal ballaaran.
Codsiga Eritrea ayaa yimid maalin kaddib markii dowladda Itoobiya ay Qaramada Midoobay u gudbisay warqad ay ku eedeysay ciidamada Eritrea inay duullaan ku soo qaadeen qaybo ka mid ah gobolka Tigray, ayna gudaha u galeen dhulka Itoobiya. Addis Ababa ayaa sheegtay inay xaq u leedahay inay isdifaacdo, iyadoo Eritrea ku eedeysay inay taageerayso xoogagga ka dagaallamaya waqooyiga dalkaasi.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Eritrea ayaa eedeymaha Itoobiya ku tilmaamay kuwo lagu doonayo in lagu marmarsiyoodo dagaal ka dhan ah dalkiisa. Dowladda Eritrea ayaa beenisay eedeymaha la xiriira faragelinta milatari, inkastoo wararka ku saabsan joogitaanka ciidamadeeda gudaha Itoobiya ay sare u qaadeen walaaca laga qabo isku dhac toos ah oo labada dal dhex mara.
Xiisadda labada dal ayaa sii xoogeysatay kaddib markii dagaallo cusub ay dib uga qarxeen gobolka Tigray, halkaas oo ciidamada dowladda Itoobiya ay dagaal kula jiraan xoogag mucaarad ah oo uu hoggaaminayo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF).
Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa sidoo kale mugdi galay sababo la xiriira muranka marin-badeedka Badda Cas. Itoobiya oo aan lahayn xeeb ayaa ku celcelisay muhiimadda ay leedahay helitaanka marin toos ah oo badeed, halka Eritrea ay arrintaas u aragto mid halis ku noqon karta madax-bannaanideeda iyo dekedaheeda.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan dagaallada dib uga soo cusboonaaday waqooyiga Itoobiya iyo wararka sheegaya joogitaanka ciidamada Eritrea gudaha dalkaasi. Waxa uu dhinacyada ugu baaqay inay si degdeg ah u joojiyaan colaadaha, ayna dib ugu laabtaan wada-hadalka.
Xaaladdan ayaa sii kordhinaysa walaaca laga qabo in xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal ay isu beddesho dagaal ballaaran oo saameeya amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Ilaa hadda, labada dowladood ayaa weli isku haya cidda mas’uulka ka ah xiisadda, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku baaqday in laga fogaado tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda, lana ilaaliyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka.



