HomeWarkaRA’IISUL WASAARE XAMSE OO QAABILAY WAFDI KA SOCDA DOWLADDA LIIBIYA

RA’IISUL WASAARE XAMSE OO QAABILAY WAFDI KA SOCDA DOWLADDA LIIBIYA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Wasaaradda Warshadaha iyo Macdanta ee Dowladda Liibiya, Mudane Mustafa Cali Al-Samu, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka u yimid sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada warshadaha iyo wax-soo-saarka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Liibiya, kobcinta wax-soo-saarka gudaha, is-weydaarsiga khibradaha iyo ka faa’iidaysiga fursadaha ka jira dhinacyada warshadaha iyo maalgashiga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa wafdiga Liibiya kala hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, gaar ahaan horumarinta warshadaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista fursado dhaqaale oo wax-ku-ool ah.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta wax-soo-saarka iyo kobcinta awoodaha dhaqaale, si looga faa’iidaysto khibradaha iyo fursadaha ka jira labada dhinac.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Liibiya, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta warshadaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha labada dal.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments