Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee degmada Badhan ee gobolka Sanaag, kaas oo diiradda lagu saaray diyaar-garowga gogol nabadeed oo la qorsheeyey inay socoto muddo 45 maalmood ah.
Kulanka ayaa looga hadlay hirgelinta shirka nabadda, soo dhoweynta ergooyinka, caqabadaha soo noqnoqda ee dib u hurinaya colaadaha, iyo sidii looga hortagi lahaa in khilaafaadka jira ay mar kale isu beddelaan dagaallo.
Sidoo kale, waxaa la adkeeyey doorka muhiimka ah ee odayaasha dhaqanka ku leeyihiin xallinta khilaafaadka, dhisidda kalsoonida bulshada iyo sidii loo heli lahaa hannaan wax-ku-ool ah oo lagu dhammeeyo tabashooyinka jira.
Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqaynta odayaasha dhaqanka iyo maamulka, si gogosha nabadeed ay u noqoto mid horseedda heshiis waara oo lagu soo afjaro colaadaha.
Gogoshan nabadeed ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo nabadda, wadajirka bulshada iyo amniga degmada Badhan, iyadoo Dowladda Puntland ay xoogga saarayso sidii loo heli lahaa xasillooni waarta oo ka hanaqaadda deegaanka.



