HomeWarkaXoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo cambaareeyay weerarkii Sacuudiga

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo cambaareeyay weerarkii Sacuudiga

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyadh.

Qoraal uu ku baahiyay barta X, ayuu ku sheegay inuu “aad uga naxay” weerarka, kaasoo sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sacuudigu ay ku dhinteen 12 qof, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

“Weerarrada lagu qaado dadka rayidka ah iyo kaabayaasha ay adeegsadaan waa xadgudubyo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Guterres, isaga oo intaas ku daray in weerarradaasi ay tahay in si degdeg ah loo joojiyo.

Kani waa weerarkii saddexaad ee Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ku qaadaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sacuudiga, iyadoo kooxdaasi ay tan iyo xagaagii sii kordhisay weerarrada ay dalkaas ku hayso.

Isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sidoo kale sheegay inuu ka jawaabi doono weerarka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments