Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dowladdiisu sii xoojin doonto dadaallada ay ku doonayso inay Itoobiya ku hesho marin ay u isticmaasho Badda, isagoo xusay in arrintaasi ay qeyb ka tahay danaha qaranka dalka.
Abiy ayaa sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay difaacdo xuquuqdeeda iyo danaha qarankeeda, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay sii wadi doonto dadaallada lagu doonayo in dalka uu helo marin badeed.
“Waxaan si adag uga shaqayn doonnaa sidii Itoobiya u heli lahayd meel ay ka gasho ugana baxdo badda,” ayuu yiri Abiy Axmed.
Hadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli Eritrea, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar ay soo saareen bayaan wadajir ah oo looga hadlay arrimaha la xiriira Badda Cas iyo Webiga Nile, kuwaas oo muddooyinkii dambe qeyb ka ahaa khilaafaadka iyo loollanka siyaasadeed ee gobolka.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu awood u leeyahay inuu dhiso ciidan milatari iyo ciidan cirka oo xooggan, kuwaas oo uu sheegay inay muhiim u yihiin difaaca dalka iyo ka hortagga khataraha dibadda.
Abiy ayaa xusay in Itoobiya ay sannadihii u dambeeyay wajahday caqabado iyo xaalado adag, balse uu sheegay in dowladdiisu ay ka gudubtay caqabadihii waaweynaa, isla markaana aysan Itoobiya dib ugu laaban doonin xaaladahaas.
Isagoo ka hadlayay colaadaha iyo dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya, Abiy ayaa sheegay in Itoobiyaanka ay guud ahaan isku raacsan yihiin arrimaha uu ku tilmaamay danaha qaranka, inkastoo ay ku kala aragti duwan yihiin arrimaha siyaasadda.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ugu baaqay kooxaha hubeysan inay joojiyaan dagaallada oo ay ku soo laabtaan wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.
“Idinka Itoobiyaanka ah ee kaymaha ku jira, ku soo laabta jidka nabadda,” ayuu yiri Abiy.
Hadallada Abiy ayaa imanaya xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xaalad siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, iyadoo arrinta marin-badeedka Itoobiya ay weli tahay mid si dhow loola socdo, gaar ahaan xiriirka Addis Ababa iyo dalalka deriska ah.



