Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Ciro, ayaa lagu wadaa inuu u safro Mareykanka, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono kulamo ay isugu imaanayaan madax iyo mas’uuliyiin ka kala socda dalal iyo ururo caalami ah.
Safarka Ciro ayaa kusoo beegmaya xilli ay Qaramada Midoobay isugu imaanayaan ku dhowaad 200 dowladood, iyadoo Somaliland ay doonayso inay ka faa’iidaysato fursaddaas si ay madaxda iyo ururrada caalamiga ah ugu bandhigto ololaheeda ku aaddan aqoonsi caalami ah, inkastoo aysan Somaliland xubin ama kursi rasmi ah ku lahayn Qaramada Midoobay.
Ciro ayaa kulamo uu la yeesho madax iyo mas’uuliyiin caalami ah u adeegsan kara inuu ku xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan sidii ay taageero iyo aqoonsi uga heli lahayd dowlado iyo ururo caalami ah.
Madaxweynaha Somaliland ayaa horey safarro ugu tegay qaar ka mid ah dalalka Yurub, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madax iyo mas’uuliyiin caalami ah, iyadoo Somaliland ay sidoo kale xoojisay xiriirrada ay la leedahay Israel, oo ay Hargeysa sheegtay inay ka heshay aqoonsi.
Kulamadan iyo xiriirrada diblomaasiyadeed ayaa qeyb ka ah olole ay Somaliland ku doonayso inay ku qanciso madaxda caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah in loo aqoonsado dal madax-bannaan.
Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo la xiriira dhaqdhaqaaqyada Somaliland, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo dadka falanqeeya arrimaha gobolka ay walaac ka muujinayaan in dowladda dhexe aysan si ku filan uga jawaabin ololaha diblomaasiyadeed ee Hargeysa.
Waxay sidoo kale ku doodaan in gaabiska dowladda federaalka uu Somaliland siin karo fursad ay ku sii xoojiso xiriirrada ay la sameysanayso dowladaha iyo ururrada caalamiga ah, gaar ahaan xilliyada ay madaxda dunidu isugu imaanayaan shirarka waaweyn ee caalamiga ah.
#somalia#war#cusub#Followers#muqdisho#dolwadda#jubaland#iran



