Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dibadbaxayaal iyo ciidamada ammaanka ay isku dhaceen, iyadoo magaalada ay ka taagan tahay xiisad la xiriirta doorashada Hirshabeelle.
Dibadbaxayaasha ayaa ka soo horjeeda doorashada saaka ka billaabatay magaalada, iyagoo muddo saacado ah bannaanbaxyo ka wada qeybo ka mid ah Beledweyne.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in iska horimaad dhex maray dibadbaxayaasha iyo ciidamada ammaanka uu sababay dhimasho iyo dhaawac, hase yeeshee tirada saxda ah ee dadka ku waxyeelloobay dhacdada ayaan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.
Xiisadda maanta ayaa kusoo beegmaysa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay magaalada Beledweyne ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo hannaanka doorashada Hirshabeelle.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo shacabka gobolka Hiiraan ayaa horay u sheegay inaysan aqbalayn in doorasho laga qabto gobolka iyadoo aan marka hore la gaarin heshiis siyaasadeed oo ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.
Ilaa hadda, laamaha ammaanka kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan iska horimaadka maanta, gaar ahaan tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay iyo waxa sababay isku dhaca.
Xaaladda magaalada ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo shacabka Beledweyne ay walaac ka muujinayaan in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho rabshado dheeraad ah.



