HomeWarkaDiyaaradaha dagaalka Turkiga oo saaka dul heehaabaya hawada Muqdisho

Diyaaradaha dagaalka Turkiga oo saaka dul heehaabaya hawada Muqdisho

Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa saaka dul heehaabaya hawada Muqdisho, iyadoo magaalada laga maqlay guux xooggan oo diyaarado ah, gaar ahaan diyaaradaha Miigga oo guuxooda si weyn looga dareemayay magaalada.

Guuxa diyaaradaha ayaa la maqlayay abaare 6:30 subaxnimo xilliga Muqdisho, hase yeeshee ilaa hadda ma cadda halka ay diyaaradahaasi ka yimaadeen ama halka ay ku wajahnaayeen.

Sidoo kale, lama hayo xog rasmi ah oo faahfaahsan oo caddeyneysa howlgalka ay diyaaradahaasi u baxeen ama inay ka soo laabteen howlgal ka dhacay meel ka baxsan Muqdisho.

Turkiga ayaa garab siinaya Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo labada dal ay leeyihiin iskaashi milatari oo dhinacyo badan leh, gaar ahaan tababarka, qalabaynta iyo taageerada ciidamada Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqa diyaaradaha ayaa ku soo beegmaya xilli Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, hase yeeshee lama xaqiijin in duulimaadyada saak

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments