HomeWarkaDowladaha Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriyada koofureed u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Danjire Kang Hyung-Shik waxaa xarunta Safaaradda ku soo dhaweeyay dhiggiisa Danjiraha JFS Mudane Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat.

Labada Danjire ayaa kulan is-xogwaraysi ah oo ay yeesheen kaga wada hadlay xiriirka iyo danaha labada dal, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kuuriyada koofureed, gaar ahaan dhinacyada ay labada dal danaha ka wadaagaan. Kulanka ayaa sidoo kale fursad u ahaa labada dhinac inay is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan arrimaha diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal ee madallada caalamiga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments