Muqdisho – Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gebagebeeyay tababar lagu horumarinayay aqoonta, xirfadaha iyo tayada ardayda wax ku barata deeqda waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation. Tababarkan ayaa waxaa ka faa’iideystay arday ka kala socday jaamacado kala duwan oo ku yaalla dalka, kuwaas oo dhammaantood ka tirsan barnaamijka deeqda waxbarasho ee hay’adda.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin, waalidiin iyo macallimiintii bixineysay tababarka. Ka qeybgalayaashu waxay si weyn u bogaadiyeen dadaalka joogtada ah ee Hormuud Salaam Foundation ay ku maalgelinayso waxbarashada iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah macallimiintii bixineysay casharrada tababarka ayaa munaasabadda ka jeediyay hadallo ay ku muujinayeen muhiimadda ay leedahay maalgelinta aqoonta, kobcinta xirfadaha iyo diyaarinta jiil aqoon leh oo door muuqda ka qaata horumarka dalka.
Sidoo kale, qaar ka mid ah ardaydii ka faa’iideysatay tababarka ayaa sheegay in aqoonta iyo xirfadaha ay halkaasi ku barteen ay ka caawin doonaan horumarinta waxbarashadooda iyo noloshooda mustaqbalka. Waxay sidoo kale uga mahadceliyeen Hormuud Salaam Foundation fursadaha waxbarasho iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso dhallinyarada Soomaaliyeed.
Gabagabadii munaasabadda, Guddoomiye Ku-xigeenka Hormuud Salaam Foundation, Ustaad Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi (Ustaad Kobac), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka. Waxa uu ardayda kula dardaarmay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda waxbarasho, kana faa’iideystaan fursadaha horyaalla si ay u noqdaan aqoonyahanno iyo hoggaamiyeyaal mustaqbalka wax ku biiriya horumarka Soomaaliya.
Ustaad Kobac ayaa ugu dambeyn adkeeyay in Hormuud Salaam Foundation ay sii wadi doonto doorkeeda ku aaddan taageerada waxbarashada, tayeynta xirfadaha iyo horumarinta jiilka cusub ee Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay ardayda inay aqoontooda u adeegsadaan horumarinta bulshada iyo dalka.



