HomeWarkaJubbaland oo Qorsheyneysa Casriyeynta iyo Maareynta Mashaariicda deegaanadeeda

Jubbaland oo Qorsheyneysa Casriyeynta iyo Maareynta Mashaariicda deegaanadeeda

Kismaayo: Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay Shirka Wadatashiga Ballaarinta iyo Casriyeynta Nidaamka Maareynta iyo Isku-dubaridka Mashaariicda Jubbaland.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa loona casriyeyn lahaa nidaamka lagu maareeyo iyo isku-dubarido mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada Jubbaland.

Ka qeybgalayaasha shirka ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta isku-xirka hay’adaha, hagaajinta qorsheynta iyo dabagalka mashaariicda, si loo hubiyo in mashaariicda la fulinayo ay si hufan uga jawaabaan baahiyaha bulshada iyo mudnaanta horumarineed ee Jubbaland.

Wasaaradda Qorsheynta ayaa sheegtay in casriyeynta nidaamka maareynta mashaariicdu ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo isku-duwidda mashaariicda horumarineed, iyadoo la doonayo in la helo nidaam mideysan oo lagu la socdo dhammaan mashaariicda ka socda Jubbaland.

Shirkan ayaa sidoo kale muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta dowladda, hay’adaha horumarinta iyo dhinacyada kale ee ku lugta leh fulinta mashaariicda, si loo dardargeliyo howlaha horumarineed iyo adeegyada bulshada ee Jubbaland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments