HomeWarkaMadaxweyne Hore Farmaajo oo shacabka Muqdishougu baaqay inay Difaacdaan xuquuqdooda.

Madaxweyne Hore Farmaajo oo shacabka Muqdishougu baaqay inay Difaacdaan xuquuqdooda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag uga hadlay dhul-boobka, barakicinta iyo duminta guryaha ee ka socda magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay falal ka fog damiirka bani’aadannimo iyo dareenka Muslimnimo.

Farmaajo ayaa sheegay in barakicinta joogtada ah ee lagu hayo bulshada caasimadda, gaar ahaan duminta guryaha xilliyada habeenkii, ay tahay arrin halis ku ah nolosha muwaadiniinta, kuwaas oo ay ku jiraan carruur, haween, waayeel iyo qoysas danyar ah.

Wuxuu Madaxweynaha hadda xilka haya ugu baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dhul-boobka, barakicinta shacabka iyo waxa uu ku tilmaamay adeegsiga sharcidarrada ah ee ciidamada iyo hay’adaha dowladda.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay inaanay jirin qiil lagu burburin karo guryaha muwaadiniinta Soomaaliyeed, laguna barakicin karo xilliyada habeenkii, isagoo carrabka ku adkeeyay in hantida dadka aan lagu burburin karin xoog iyo awood ciidan.

Ugu dambeyn, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu garab taagan yahay qoysaska laga dumiyey guryahooda, dadka la barakiciyey iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho ee uu sheegay inay la kulmeen dulmi.

Wuxuu xusay in shacabkaasi ay xaq u leeyihiin inay difaacdaan xuquuqdooda iyo karaamadooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments