Al-Calamayn, Masar – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi, iyadoo kulanku ka dhacay magaalada cusub ee Al-Calamayn, intii uu socday Madasha Alamein–Africa Business Forum.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo diiradda lagu saaray fursadaha iskaashi ee dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu sii xoogeysanayay, kaddib markii labada dal ay Janaayo 2025 xiriirkooda u qaadeen heerka iskaashi istiraatiiji ah oo dhammaystiran.
Sida laga soo xigtay Madaxtooyada Masar, Madaxweyne Al-Siisi ayaa kulanka ku adkeeyay taageerada Masar ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Qaahira ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo hay’adaha dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa muujiyay sida Soomaaliya ay muhiimad u siineyso xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada labada dal, isagoo bogaadiyay taageerada Masar ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda gobolka, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-tashiga iyo isku-duwidda Soomaaliya, Masar iyo dalalka kale ee gobolka.
Wadahadallada ayaa taabanayay arrimaha amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed, Bab Al-Mandab iyo Badda Cas, kuwaas oo ah marinno muhiim u ah ganacsiga iyo amniga gobolka.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa ka dhacay xilli magaalada cusub ee Al-Calamayn lagu qabanayo madashii ugu horreysay ee Alamein–Africa Business Forum, oo ay ka qaybgalayaan madax iyo mas’uuliyiin Afrikaan ah, hay’ado maaliyadeed iyo wakiillo ka socda ganacsatada iyo shirkadaha Afrika.
Madashu waxay diiradda saaraysaa xoojinta ganacsiga Afrika, maalgashiga, iskaashiga dhinacyada gaarka loo leeyahay iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo qaaradda ah.
Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Al-Siisi ayaa sidaas darteed kusoo aadaya xilli labada dal ay doonayaan in xiriirkooda istiraatiijiga ah lagu ballaariyo dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, amniga iyo horumarinta, iyadoo sidoo kale la xoojinayo wada-shaqeynta ku aaddan xasilloonida gobolka.







