Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si adag uga fal-celiyay hadal dhawaan kasoo yeeray Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo ku aadanaa aqoonsiga ay Somaliland ka heshay maamulka Israa’iil
Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in aanu jirin taageero ballaaran oo aqoonsiga Israa’iil uu ka haysto bulshada Somaliland.
Ra’iisul wasaaraha ayaa si gaar ah u xusay in qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, oo ay ka mid yihiin culimada, madax-dhaqameedka iyo xisbiyada aysan taageersanayn aqoonsiga Israa’iil, isaga oo tilmaamay in arrintaas ay ku kooban tahay xukuumadda oo keliya.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay xisbiyada mucaaradka Somaliland oo meesha ka saaray hadalka kasoo yeeray wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye, Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar, oo shir jaraa’id ku qabtay magaaada Hargeysa ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay si buuxda u taageersan yihiin qaddiyadda aqoonsiga, isla markaana aanu xisbigoodu ka laaban doonin mowqifkaas.
“Mar kale Kulmiye waxa uu caddaynayaa in aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil aanu ahayn arrin laga wada xaajoon karo, waanan taageersannahay,” ayuu yiri Madar.
Dhankiisa Cabdirakiim Maxamed, oo kamid ah hoggaanka sare ee xisbiga mucaaradka ee Kaah, ayaa isna hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku tilmaamay faham aan sax ahayn oo laga qaatay doodaha siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan aqoonsiga Israa’iil.
Cabdirakiim ayaa xusay in culimada, madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada Somaliland ay leeyihiin aragtiyo kala duwan oo ku saabsan arrimaha siyaasadeed, balse aan taas loo fasiri karin inay ka soo horjeedaan qaddiyadda Somaliland.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee ka jira gudaha Somaliland ayaan meesha ka saarayn mowqifka guud ee bulshada ee ku saabsan aaya-ka-tashiga iyo dawladnimada Somaliland.
Ra’isul waasaraha Israel ayaa bishii December 26, 2025, noqotay Maamulkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, arrintaas oo ay si u cambaareysay, una diiday dowladda Soomaaliya.



