Nairobi — Booliska Kenya ayaa magaalada Nairobi ku xiray nin lagu qabtay diyaarad aan duuliye lahayn (drone) oo la sheegay in loo waday magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.
Ninka la xiray oo lagu magacaabo Mohamud Hared ayaa Jimcihii lagu qabtay shirkad xamuul oo ku taalla xaafadda Eastleigh ee Nairobi, xilli uu halkaasi u tagay inuu kala wareego baakad laga soo diray Shiinaha.
Sida lagu sheegay warbixin boolis, baakadda waxaa soo diray qof lagu magacaabo Abdi Kafi, waxaana shaqaalaha shirkadda xamuulka shaki geliyay qaabka adag ee loo xirxiray iyo in aan si cad loo ogeyn waxa ku jira.
Hared ayaa la sheegay inuu lacagta xamuulka ku bixiyay adeegga M-Pesa, kadibna uu codsaday in baakadda la furo. Markii la furay ayaa gudaha laga helay qaybo drone ah oo la kala furfuray iyo qalab kale oo la xiriira.
Maamulka shirkadda xamuulka ayaa kadib wargeliyay booliska, kuwaas oo goobta yimid isla markaana gacanta ku dhigay Hared. Waxaa loo qaaday saldhigga booliska Pangani si baaritaan iyo su’aalo loo weydiiyo.
Drone-ka oo loo waday Beled-Xaawo
Booliska Kenya ayaa sheegay in Hared uu baarayaasha u sheegay in drone-ka loo waday Beled-Xaawo, iyadoo qorshuhu ahaa in marka hore qalabka la geeyo magaalada Mandera ee ku taalla xadka Kenya iyo Soomaaliya.
Sida xogta booliska lagu sheegay, drone-ka waxaa Mandera kala wareegi lahaa nin lagu magacaabo Yussuf Abdi Abdille, oo la sheegay inuu deggan yahay magaaladaasi.
Ilaa hadda ma cadda sababta drone-ka loogu waday Beled-Xaawo iyo cidda ugu dambeyn isticmaali lahayd. Booliska Kenya ayaa sheegay inay baarayaan ujeeddada qalabka iyo dadka kale ee ku lugta lahaa soo dejintiisa iyo gudbintiisa.
Hared ayaa weli ku jira gacanta booliska, iyadoo baarayaashu ay isku dayayaan inay ogaadaan halka uu kasoo bilowday qorshaha lagu soo diray drone-ka iyo cidda dhab ahaan iska leh.
Booliska Kenya ayaa walaac ka muujiyay in qalabkan oo kale loo adeegsan karo falal amni-darro, hase yeeshee ilaa hadda ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaysa in drone-kan loogu talagalay weerar ama fal argagixiso.
Qabashada ninkan ayaa kusoo aadeysa xilli hay’adaha ammaanka Kenya ay si gaar ah ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ka jira deegaannada ku teedsan xadka Soomaaliya, gaar ahaan Mandera oo muddo dheer wajahaysay khataro la xiriira Al-Shabaab.
Beled-Xaawo oo dhinaca Soomaaliya kaga beegan Mandera ayaa ah marin muhiim ah oo isku xira labada dal, waxaana si joogto ah isaga gudba dad iyo badeecooyin.
Baaritaanka kiiskan ayaa la filayaa inuu diiradda saaro qofka Shiinaha kasoo diray baakadda, xiriirka uu la leeyahay Hared, qofka la sheegay inuu Mandera kula wareegi lahaa drone-ka iyo ujeeddada dhabta ah ee qalabka loogu waday Beled-Xaawo.




