HomeEnglishPuntland oo sheegtay in PSF uusan ka tirsaneyn Ciidamada Difaaca Puntland

Puntland oo sheegtay in PSF uusan ka tirsaneyn Ciidamada Difaaca Puntland

Maamulka Puntland ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlay xaaladda amniga iyo khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidanka loo yaqaan PSF uusan si sharci ah uga tirsaneyn Ciidamada Difaaca Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyo ay ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku tilmaantay isku dayo lagu hurinayo colaado iyo in lagu wiiqayo hay’adaha amniga iyo maamulka Puntland.

Puntland ayaa caddeysay in uusan jirin ciidan si sharci ah ugu diiwaangashan magaca PSF oo qeyb ka ah qaab-dhismeedka Ciidamada Difaaca Puntland. Sidoo kale, waxay sheegtay in aysan jirin ciidamo si rasmi ah uga tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka howlgala deegaannada ay maamusho Puntland.

War-saxaafadeedka Madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu wado dhaqdhaqaaqyo halis ku ah xasilloonida iyo nidaamka dowladnimada Puntland, iyadoo digniin ka bixisay tallaabo kasta oo lagu wiiqayo awoodda ciidamada difaaca Puntland.

Puntland ayaa ugu baaqday Dowlad Goboleedka Galmudug iyo beesha caalamka inay ka hortagaan colaado iyo dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo ka dhici kara deegaannada xuduudaha, waxayna Galmudug ku boorrisay inay sii waddo iskaashiga amniga, deris-wanaagga iyo nabadgelyada.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga, dastuurka iyo awood-qaybsiga.

#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page

  ———|Share | Like | Comments|——

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments