HomeWarkaTaliyaha Ciidanka XDS oo Ankara Kulan Kula Yeeshay Masโ€™uuliyiin Sare oo Turkiga...

Taliyaha Ciidanka XDS oo Ankara Kulan Kula Yeeshay Masโ€™uuliyiin Sare oo Turkiga ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, halkaas oo uu kula kulmay masโ€™uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda iyo ciidamada dalkaasi.

Taliyaha ayaa booqday Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Turkiga iyo Taliska Guud ee Ciidamada Turkiga, isagoo kulamo gaar ah la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, YaลŸar Gรผler, iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga, Sareeye Guud Selรงuk BayraktaroฤŸlu.

Kulamada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, tababarka ciidamada iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hayโ€™adaha difaaca ee labada dal, iyo sidii taageerada Turkiga ee Soomaaliya loogu sii horumarin lahaa qaab wax ka tari kara dhismaha iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.

Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay door muuqda ku lahaa taageerada ciidamada Soomaaliya, iyadoo magaalada Muqdisho uu ku yaallo xarunta tababarka ciidamada Soomaaliyeed ee TURKSOM, oo lagu tababaro cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Booqashada Taliyaha Ciidanka XDS ee Ankara ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka iyo dib-u-dhiska hayโ€™adaha amniga, iyadoo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiguna uu noqday mid si gaar ah muhiim ugu ah dhinacyada difaaca iyo amniga.

Kulamadan ayaa sidoo kale muujinaya sii socoshada xiriirka dhow ee labada dowladood, iyadoo labada dhinac ay doonayaan in iskaashigooda difaac iyo amni loo sii qaado heerar ka sarreeya kuwii hore.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments