Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa xarunta Taliska kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada Qeybta 21-aad, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda ciidamada, howlaha shaqo ee socda iyo qorshayaasha la xiriira sugidda amniga iyo difaaca dalka.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, saraakiisha sare iyo madaxda Taliska Qeybta 21-aad.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta howlaha Ciidanka Xoogga Dalka, dardargelinta qorshayaasha amni iyo difaac, iyo sidii loo sii horumarin lahaa awoodda ciidamada ee gudashada waajibaadkooda qaran.
Taliyaha ayaa saraakiisha iyo ciidamada ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada ay ugu jiraan gudashada waajibaadkooda, ilaalinta midnimada iyo wadajirka ciidamada, iyo difaaca amniga, madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah howlgallada iyo qorshayaasha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu qiimeynayo xaaladda ciidamada iyo dardargelinta howlaha amni iyo difaac ee dalka.



