Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman, ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Riyadh kula kulmay Taliyaha Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), Admiral Brad Cooper, sida uu sheegay Telefishanka dowladda Sacuudiga.
Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan weerarrada kooxda Xuutiyiinta Yemen (Ansar Allah) ay ku bartilmaameedsanayaan gudaha Boqortooyada Sacuudiga, taasoo walaac cusub ka abuurtay xaaladda amni ee gobolka.
Sida warbaahinta dowladda Sacuudiga sheegtay, labada dhinac ayaa kulankooda kaga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha amniga iyo khataraha ka imanaya kooxda Xuutiyiinta.
Kulanka ayaa sidoo kale muujinaya xiriirka amni iyo milatari ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Riyadh iyo Washington, xilli xiisadaha ka jira gobolka ay saameyn ku yeelanayaan dalal badan oo Bariga Dhexe ah.
Kulankan ayaa dhacay maalmo kadib markii saddex ilo-wareed oo xog-ogaal ah ay Reuters u sheegeen in Mohammed bin Salman uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka codsaday taageero militari oo looga hortago weerarrada Xuutiyiinta.
Sidoo kale, warbaahinta Mareykanka ee Axios ayaa soo xigatay saraakiil Mareykan ah oo sheegay in Mohammed bin Salman uu Khamiistii laba jeer telefoon kula hadlay Trump, isagoo ku boorriyay in Mareykanku qaado duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Yemen.
Sida ay sheegayaan warbixinnada la helay, Trump ayaan oggolaan codsiga Riyadh ee ahaa in Mareykanku duqeymo toos ah ka fuliyo Yemen.
Saraakiil Mareykan ah ayaa sidoo kale sheegay in Washington aysan xilligan qorsheynayn inay si toos ah tallaabo militari uga qaaddo Xuutiyiinta, inkastoo Mareykanku uu Sacuudiga siinayo taageero dhinaca xogaha sirdoonka ah.
Ilaha Reuters ayaa sheegay in Mareykanku uu Riyadh u ballanqaaday taageero ku saabsan is-weydaarsiga xogaha sirdoonka iyo aqoonsiga bartilmaameedyada, taasoo Sacuudiga ka caawin karta inuu si madax-bannaan uga jawaabo weerarrada Xuutiyiinta.
Xuutiyiinta ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarrada ay ku qaadaan bartilmaameedyo la xiriira Sacuudiga iyo maraakiibta mara biyaha gobolka, iyagoo weerarradooda ku xiriiriya xaaladda dagaallada iyo xiisadaha Bariga Dhexe.
Sacuudiga ayaa dhanka kale wajahaya caqabadda ah sidii uu uga hortagi lahaa weerarradaas isaga oo aan xaaladda u beddelin dagaal toos ah oo ballaaran oo dhex mara Riyadh iyo Xuutiyiinta.
Kulanka Mohammed bin Salman iyo Admiral Brad Cooper ayaa sidaas darteed ku soo aadaya xilli Riyadh ay raadineyso taageero amni oo dheeraad ah, halka Washington ay weli ka fiirsanayso heerka ay ka qaadan karto iska horimaadka Xuutiyiinta.



