
Wafdi ka socda Mareykanka oo ka kooban 12 xubnood, isuguna jira xubno ka tirsan Aqalka Koongareeska iyo saraakiil ciidan oo ka socda Taliska Afrika ee Mareykanka (AFRICOM), ayaa la filayaa inay berri booqasho ku kala tagaan magaalooyinka Kismaayo, Garoowe iyo Hargeysa.
Lugta koowaad ee safarka wafdiga ayaa ka bilaaban doonta magaalada Kismaayo, ka hor inta aysan u gudbin Garoowe iyo Hargeysa.
Booqashadan ayaa lagu sheegay mid la xiriirta xog ururin ku saabsan xaaladda amniga Soomaaliya, gudbinta siyaasadda cusub ee Washington, iyo la tashiyo ay la yeelanayaan madaxda maamullada, ka hor shirka looga hadlayo hawlgalka AUSSOM ee ka furmaya magaalada Kampala.
Shirka Kampala oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa si wadajir ah u hoggaamin doona Mareykanka iyo Midowga Afrika. Waxaa ka qeyb geli doona madax, wasiirrada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada dalalka ciidamada ku taageera Soomaaliya (TCCs).
Ujeeddada shirka ayaa ah in la yeesho wada hadallo heer sare ah oo lagu go’aaminayo mustaqbalka hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok. #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——



