HomeWarkaWasiirka Warfaafinta oo la kulmay hoggaanka SATTA si loo xoojiyo horumarinta dalxiiska...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay hoggaanka SATTA si loo xoojiyo horumarinta dalxiiska iyo duulimaadyada

Muqdisho â€“ Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska iyo Duulimaadyada Soomaaliyeed (SATTA), iyadoo ay kulanka goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Dalxiiska iyo Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo SATTA, si loo horumariyo dalxiiska dalka, kor loogu qaado adeegyada duulimaadyada iyo socdaalka dalxiisayaasha, isla markaana Soomaaliya loogu suuqgeeyo inay tahay dal leh fursado ballaaran oo dhinacyada dalxiiska iyo maalgashiga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments