Xisbiga Towfiiq ayaa si rasmi ah u diiday natiijada doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka ee Dowlad-goboleedka Galmudug, kuwaas oo uu dhowaan ku dhawaaqay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
War-saxaafadeed uu xisbigu soo saaray ayaa lagu sheegay in natiijada la shaaciyey aysan ka tarjumayn rabitaanka codbixiyeyaasha, isla markaana ay dhaawacayso hannaanka doorashada qof iyo cod iyo kalsoonida shacabka ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda.
Xisbiga ayaa ku eedeeyey guddiga doorashooyinka in habka codbixinta iyo tirinta codadka ay hareeyeen musuq iyo eex, arrimahaas oo uu sheegay inay si weyn u saameeyeen natiijada kama dambaysta ah. Towfiiq wuxuu intaa ku daray in xogta ay wakiilladiisu ka ururiyeen goobaha codbixinta aysan waafaqsanayn natiijada rasmiga ah ee guddigu ku dhawaaqay.
Sida uu sheegay xisbigu, doorashada Golaha Wakiillada waxaa codkooda dhiibtay 58,519 qof, halka codadka halaabay ay ahaayeen 987. Towfiiq ayaa ku dooday inuu helay 53,054 cod oo u dhiganta 53.85% codadkii la dhiibtay, taasoo uu sheegay inay siinaysay 47 ka mid ah 89-ka kursi ee Golaha Wakiillada.
Dhanka goleyaasha deegaanka, xisbigu wuxuu sheegay inuu helay 54,064 cod oo u dhiganta 54.87% codadkii la dhiibtay, isagoo ku dooday in natiijadaasi xaq u siinaysay 104 ka mid ah 243-da kursi ee goleyaasha deegaanka ee Galmudug.
Towfiiq ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso in dib loogu noqdo natiijada lagu dhawaaqay, isla markaana dib-u-eegis madax-bannaan lagu sameeyo codadka laga kala helay tobanka degmo ee doorashadu ka dhacday, si loo xaqiijiyo in natiijadu si sax ah uga tarjumayso rabitaanka shacabka.
Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka ayaa hore u shaaciyey natiijada rasmiga ah, isagoo sheegay in Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu noqday ururka ugu codadka badan, kadib markii uu helay 135,247 cod iyo 63 kursi.
Sidoo kale, guddigu wuxuu sheegay in Ururka Towfiiq uu galay kaalinta labaad, isagoo helay 26,003 cod iyo 12 kursi.
Diidmada Towfiiq ayaa sii xoojisay muranka siyaasadeed ee ka dhashay doorashada Galmudug, iyadoo la sugayo jawaabta Guddiga Doorashooyinka iyo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan dhinacyada ay arrintu khusayso.




