Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn, ayaa ka hadlay fulinta Dastuurka, dowlad-dhiska, xoojinta hey’adaha iyo horumarinta nidaamyada Maamulka Qaranka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya xaqiijinta masuuliyadda hey’adaha kala duwan ee dowladda.
Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Qaraarka Taabbo-gelinta Dastuurka, iyada oo goluhu u saaray Guddi ka kooban wasiirro oo uu guddoominayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, kaas oo loo igmaday dardargalinta fulinta dastuurka isla markaana uu waajibaadkooda qeyb ka yahay in muddo labo bilood ( 2) ah ay kusoo diyaariyaan, hindise-xeereedka dhismaha Xukuumadda, sida uu qabo Dastuurka, xeerkaas oo markii ugu horeysay uu dalka yeelanayo tan iyo 1968-dii, qeexayana tirada xukuumadda iyo waajibaadyada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Dastuurka uu Dhaqangal yahay, fulintiisana loo marayo marxalado kala duwan, isaga oo xusay in xukuumaddu ku howlan-tahay in sannadka soo socda ay dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah oo heer Federaal ah, sida uu ku cad Dastuurka Dalka.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, ayaa dhanka kale, warbixin faahfaahsan usoo jeedisay golaha oo ku shaacisay soo celinta nidaamka code-kii Soomaaliya ee IATA, ee lagu maamulo Tikidhada diyaaradaha, nidaamkan oo ah xuquuq weyn oo usoo laabatay dalka.
Nidaamkan ayaa muhiim u ah awoodda Soomaaliya ee maareynta iyo nidaaminta adeegyada tigidhada duulimaadyada, gaar ahaan hab-raacyada tigidhada iyo xiriirka nidaamyada safarada caalamiga ah, si loo adkeeyo maamulka iyo tayada adeegyada Duulista Rayidka ee dalka, shacabkana loogu soo celiyo xuquuqo ka maqnaa.



