Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka guud ee doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo hoggaanka Dowladda Goboleedka Galmudug.
Jadwalkan ayaa qeexaya marxaladaha kala duwan ee doorashada, laga bilaabo shaacinta Golaha Wakiillada, diiwaangelinta xildhibaannada, dhaarinta iyo qabashada araajida musharraxiinta, ilaa doorashada hoggaanka Galmudug.
Sida ku cad jadwalka guddiga, hawlaha doorashada Golaha Wakiillada Galmudug waxay u dhacayaan sidan:
- 13-ka Oktoobar: Shaacinta Golaha Wakiillada Galmudug.
- 14-ka ilaa 15-ka Oktoobar: Diiwaangelinta xildhibaannada Golaha Wakiillada.
- 16-ka Oktoobar: Dhaarinta Golaha Wakiillada Galmudug.
- 17-ka Oktoobar: Qabashada araajida guddonka iyo ku-xigeennada Golaha Wakiillada.
- 18-ka Oktoobar: Doorashada guddonka Golaha Wakiillada.
- 19-ka ilaa 20-ka Oktoobar: Qabashada araajida musharraxiinta hoggaanka iyo ku-xigeennada.
- 21-ka Oktoobar: Hadal-jeedinta musharraxiinta hoggaanka iyo ku-xigeennada.
- 22-ka Oktoobar: Doorashada hoggaanka Galmudug iyo ku-xigeennada.
Jadwalkan ayaa muujinaya in doorashada hoggaanka Galmudug ay ku beegan tahay 22-ka Oktoobar, iyadoo ay ka horreyn doonaan dhammaystirka hawlaha Golaha Wakiillada iyo diyaarinta musharraxiinta.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa jadwalkan ku soo bandhigay hal-ku-dheggiisa ah: “Doorasho Xalaal ah, Dimuqraadiyad, Hufnaan iyo Cadaalad.”




