Ugaas Xasan Cabdi oo ah Afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo ku sugan bannaanka magaalada Baydhaba, ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee maamulka iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gudaha iyo hareeraha magaalada.
Ugaas Xasan ayaa si gaar ah uga hadlay diyaaradaha dagaalka ee la sheegay inay howlgallo ka wadaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in adeegsiga diyaarado iyo gaadiid shisheeye uusan waxba ka beddeli karin xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan maamulka.
Wuxuu ku adkeystay in go’aanka ku saabsan mustaqbalka Koonfur Galbeed uu yahay mid ay xaq u leeyihiin shacabka deegaanka, isagoo sheegay in aan cid kale loo oggolaan karin inay si kama dambeys ah uga tashato masiirka maamulka.
“Dalkeenna iyo deegaannadeenna Koonfur Galbeed waa hanti ay masiirkooda ka talinayaan dadka reer Koonfur Galbeed. Diyaarado iyo gaadiid shisheeye waad keensan kartaan, laakiin go’aanka iyo masiirka deegaannada Koonfur Galbeed wuxuu gacanta ugu jiraa dadkeena,” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo iyo qalab ciidan oo dibadda laga keenay aysan meesha ka saari karin doorka shacabka deegaanka, isagoo ku celceliyay in arrimaha siyaasadeed iyo maamulka Koonfur Galbeed lagu saleeyo rabitaanka dadka deegaanka.
Ugaas Xasan ayaa dhinaca kale ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed inay muujiyaan feejignaan iyo isku duubni, isla markaana ay ilaashadaan midnimadooda xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda Baydhaba iyo guud ahaan Koonfur Galbeed ay tahay mid si weyn loo hadal hayo, iyadoo dhinacyada siyaasadda iyo amniga ay weli isku hayaan arrimo la xiriira maamulka, amniga iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.
Xiisadda ka taagan Baydhaba ayaa sidoo kale sii xoogeysanaysa, iyadoo labada dhinac ay soo bandhigayaan mowqifyo kala duwan oo ku saabsan cidda leh awoodda iyo sharciyadda maamulka Koonfur Galbeed.



