HomeWarkaSoomaaliya iyo Maldives oo xoojiyay xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Maldives oo xoojiyay xiriirka diblomaasiyadeed

Khamiis, Luulyo 23, 2026

Soomaaliya iyo Maldives ayaa ku heshiiyay inay sii xoojiyaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, kaddib kulan ay yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maldives, Dr. Abdulla Khaleel.

Kulanka ayaa lagu qabtay magaalada New York, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, maalgashiga, horumarinta awoodaha hay’adaha dowladda, iyo arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ay wadaagaan.

Labada wasiir ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maldives ee fagaarayaasha caalamiga ah, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in la ballaariyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page

  ———|Share | Like | Comments|——

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments